Xaaladihii ugu dambeeyay Coronavirus ee dalka laga diiwaangeliyay

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa waxay goor dhow soo bandhigtay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka laga diiwaangeliyay afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay.

Somaliya ayaan wax xaalado ah laga diiwaangeliyay maalmihii Jimcaha iyo Sabtida, marka aad eegto wax warbixino ah oo aynaan arrimahaasi ka soo saarin Wasaaradda Caafimaadka.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijisay in xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka laga diiwaangeliyay ay gaarayan 16 xaaladood, kuwaa oo goobo kala duwan laga diiwaangeliyay.

Warbixinta Wasaaradda Caafimaadka waxaa lagu sheegay in 4 ka mida xaaladaha cusub laga helay Jubbaland, iyadoo 6 xaaladood laga xaqiijiyay Gobolka Banaadir, halka 6-da kalana laga diiwaangeliyay Somaliland.

Bukaanada cusub ee dalka laga diiwaangeliyay 11 ka mida waxaa weeye lab, halka 5-ta kalana ay dhedig yihiin. Tani waxay ka dhigeysaa wadarta guud ee dalka laga diiwaangeliyay 2,894 xaaladood.

Sidoo kale warbixintan ugu dambeysay ee ka soo baxday Wasaaradda Caafimaadka waxaa lagu sheegay in 19 bukaan ka bogsadeen xanuunka, taasoo tirada guud ee ka bogsatay ka dhigeysa 887 qof.

Sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka waxaan jirin bukaano dalka  dalka ugu geeriyooday xanuunkan, marka laga soo taggo in horey looga diiwaangeliyay 90 xaaladood oo dhimasho ah. Waana markii ugu horeysay oo toddobaad xiriir ah, aan dalka laga soo wargelin xaalado dhimasho ah, oo ka dhashay xanuunsidaha COVID-19, ee Coronavirus uu keeno.

Faallooyin