Madaxweynaha Galmudug oo lagu soo dhaweeyay Dhabad (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta si diiran loogu soo dhaweeyay deegaanka Dhabad ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiisha Ciidamada oo Madaxweynaha kaga sii horeeyay deegaanka Dhabad ayaa ka qayb qaatay soo dhaweyntii quruxda badneyd, ee ay dadka deegaanka ugu talagaleen inay ku soo dhaweeyan.

Wafdiga Madaxweynaha Galmudug ayaa saakay ka soo amba-baxay Magaalada Gaalkacyo, halkaasoo ay labadi maalmood ee ugu dambeysay ku sugnaayeen.

Ujeedada wafdiga Madaxweynaha u taggeen Dhabad ayaa qayb ka ah socdaalkiisa nabadda iyo horumarinta, ee uu ku marayo Gobolada Mudug & Galgaduud.

Waxaa maanta Madaxweyne Qoorqoor u bilaabatay bishiisii labaad ee socdaalkiisa nabadda iyo horumarinta Gobolada Dhexe, marka aad eegto xilliga uu soo bilowday oo ku beegan 27-kii bishii hore ee May.

Madaxweyne Qoorqoor ayay u suurtagashay inuu xoojiyo, oo uu dardargeliyo dadaaladiisa nabadda, iyadoo uu mid qura ka dhigay Galmudugtii billo ka hor saddex dhinac u kala qaybsadeen.

Tani ayaa la rumeysan yahay inay ku timid, markaad milicsato ragga garbihiisa taagan, ee uu u xushay inay kala shaqeeyaan, sidii horey loogu dhaqaajin lahaa Galmudugta maanta.

Is bedelka uu Qoorqoor ku wado Galmudug-ta cusub ayaa soo jiidatay indhaha bulshada. Waxaadna ka garan kartaa sida Saxaafadda ugala shaqeynayso hoggaamintiisa hufan.

Faallooyin