SAWIRRO: Bannaanbixii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Bannaanbax ballaaran oo lagu taageerayay Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Bannaanbaxa oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qaybgalay Gudoomiyaha Gobolka Banaadr ahna Duqa Muqdsho, Kuxigeenadiisa, Xildhibaano iyo qaybaha kale ee bulshada.

Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo boqolaal qof kula hadlayay Taalada Daljrka Dahsoon ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka kaga mahadceliyay ansixintooda Metelaadda Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay tahay hooyadii magaalooyinka kale ee dalka iyo Caasimaddii Shanta Soomaaliyeedba.

“Magaalada Muqdisho waa hooyada Magaalooyinka Somaliya oo dhan, waa Magaalada Dadka Soomaaliyeed oo dhan, waana hooyada Calanka Soomaaliyeed, waa meesha keliya ee shanta Soomaaliyeed aysan ku dareemin in laga leeyahay oo ay ku dareemaan inay iyagu leeyihiin taas ayaa mudan in lagu qiimeeyo Muqdisho." Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

142 Xildhibaan ayaa shalay haa ugu cocdeysay Xeerka Metelaadda Gobolka Banaadir, waxaa diiday 4 Xildhibaan, mana jriin cid ka aamustay, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Faallooyin