Maxkamadda Ciidamada oo la horkeenay laba eedeysane (SAWIRRO)

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Qaybta 27aad oo u farisatay wejiga 1aad ee dacwaddii loo heystay 2 eedeysane oo mid kamid ah uu yahay shacab halka kan kalane uu ka tirsan yahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed.

Labada eedeysane oo kala ah Dable Xoogga Cabdi Cabdulle Jaliil iyo Shacab Ibraahim Maxamud ayaa loo heystaa lunsasho dhuunta qoriga dhashiikaha ee ay ku hawlgeli jireen Ururka 40aad, Guudada 5aad ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Dhageysiga Fadhiga maxkamada waxaa daahfuray Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Qaybta 27aad, Gaashanle Maxamed Amiin Cabdulle Aadan,

Kuxigeenka Xeer Ilaaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Qareenkii difaacaya ayaa dhankooda intii dacwadda socotay dood dheer dhex martay.

Abuukaate Carab Yuusuf Nuur Shabeel oo ah qareenkii u doodayay eedeysaneyaasha ayaa Maxkamadda ka codsaday in eedeysanayaasha loo firiyo sifaalaha dambiga fududeeya.

Xeer Ilaaliye Kuxigeenka Maxkamadad Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Maxamed Cabdulqaadir Maxamed ayaa garsoorka ka hor cadeeyay in eedeysaneyaasha ay isku dayeen inay lunsadaan hantida Ciidanka Xoogga Dalka.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sidoo kale Garsoorka ka codsaday in labadaasi eedeysane la marsiiyo ciqaab adag, si ay tusaale ugu noqoto askarta iyo Saraakiisha kale ee Ciidamada Qalabka Sida.

Garsoorka Maxkamadda ayaa sheegay in isugu imaan doono kulan kale oo horey loogu sii amba qaadi doono doodda iyo dacwadda la xiriirta labada eedeysane.

Faallooyin