Qaramada Midoobey oo ka hadashay warkii Xaliimo Yarey ee doorashada la xiriiray

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Somaliya ayaa maanta war ka soo saaray labadii hab ee doorasho, ee ay shalay soo bandhgtay Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Warka Qaramada Midoobey ayaa waxaa lagu sheegay in labada hab ee ay soo bandhigtay Xaliimo Yarey ay yihiin kuwo wanaagsan, waxayna saamileyda siyaasadda ugu baaqday inay wadatashi ka yeeshaan.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Gudoomiye Xaliimo waxa ay soo bandhigtay noocyo doorasho, Qaramada Midoobay ee Somaliya waxa ay boorinaysaa wadatashi ballaaran oo ay yeeshaan hoggaamiye-yaasha siyaasadda Somaliya, si loo gaaro Is fahan, si hore loogu sii socdo kulanka qorsheysan ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waa tallaabo yididiilo leh oo xigta.”

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa si xoogan uga hortimid warkii Xaliimo Yarey, ee ahaa inaanan la huri doonin muddo kordhin loo sameeyo, si doorasho xor ahi ay dalka uga dhacdo.

Faallooyin