Xasan Sheekh Maxamuud oo ka horyimid hadalkii Xaliimo Yarey

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta Warbaahinta kula hadlayay muqdisho ayaa ka hadlay go’aankii Xildhibaannada Golaha Shacabka ku ansixiyeen 13 Kursi oo Gobolka Banaadir uu ka helayo Aqalka Sare iyo hadalkii Gudoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka.

Xasan Sheekh ayaa soo dhaweeyay mataalada Gobolka Banaadir Aqalka Sare, isaga oo sheegay inay tahay tallaabo horay loo qaaday,waxaana uu u mahad celiyay Xildhibaannada Golaha Shacbaka ee ansixiyay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa waxa uu dhinaca kale ka hadlay hadalkii shalay kasoo yeeray Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee ahaa in xiligaan dalka aysan ka dhici karin Doorasho qof iyo Cod ah ayna u baahan yihiin 13-bilood oo dheeraad ah.

Sidoo kale Xasan ayaa waxaa uu tilmaamay in hadalka Guddoomiye Xaliimo Yareey laga dheehan karray muddo kordhin riman muddo kordhin kale oo uu la jeedo in muddo ay sameeysteen Madaxda Dowladda haatan talada dalka heysa.

Hadalkii shalay Guddiga Doorashooyinka Qaranka uu kahor sheegay Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa laga dheehan karay Muddo kordhin riman muddo kordhin kale." Ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Faallooyin