Shirkii Gaalkacyo oo caawa Warmurtiyeed laga soo saaray (Akhriso)

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa goor dhow soo saaray Warmurtiyeed ka kooban toddobo qodob, ka dib kulamadii shalay iyo maanta ka kala dhacay Waqooyiga iyo Koonfurta ee Magaalada Gaalkacyo.

Warmurtiyeedka oo hal-ku-dhigiisu ahaa "Shirka Iskaashiga Dowladaha Puntland & Galmudug" ayaa ka koobnaa toddobo qodob, waxaana shan ka mida diiradda lagu saaray arrimaha labada maamul.

Biya dhaca Warmuriyeedka ayaa ah in ay labada maamul iska kaashanayan amniga, xoojinta dadaalada nabadeed ee wadajirka ah, dib u heshiisiinta beelaha iyo horumarinta dhaqaalaha.

Qodobka shanaad ayaa oranaya "Labada dowladood waxa ay isla qaateen in ay iska kaashadaan wada-shaqaynta hay'adaha amniga, xoojinta Ciidamada Xasilinta iyo la dagaalanka argagixisada."

Akhriso Warmurtiyeedka

Faallooyin