Madaxweynaha Puntland oo yimid Koonfurta Gaalkacyo (SAWIRRO)

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta casuumaad ku yimid Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, oo Maamulka Galmudug uu ka arrimiyo.

Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug ayaa Madaxweynaha Puntland si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxtooyada Magaalada Gaalkacyo.

Kulankii galabta ayaa ka duwanaa midkii shalay labada dhinac ku yeesheen Waqooyiga Gaalkacyo oo Puntland ka arrimiso, marka aad eegto dharka kala duwan ee ay shalay iyo maantaba ku kala labisnaayeen.

Shalay waxay isu horfadhiyeen sida madax ka shireysa arrimo siyaasadeed, balse kii maanta ayay ugu muuqdeen kuwo xoojinaya nabadda xilligan ka hana-qaaday Xarunta Gobolka Mudug ee Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne-yaasha Galmudug iyo Puntland ayaa muddo kooban waqti ku qaatay Xarunta Madaxtooyada Galmudug, xilli ay ku wehlinayeen Wasiirada ugu miisaanka culus ee labada maamul.

Intaasi ka dib labada hoggaamiye ayaa si wadajira Magaalada Gaalkacyo ugu beeray geedka nabadda, oo qorshihiisu yahay in lagu joojiyo iskaashiga iyo is dhexgalka ee labada dhinac.

Dhaqdhaqaaqyada muddooyinkii ugu dambeysay ka soconayay Magaalada Gaalkacyo ayaa soo jiitay dareenka shacabka Soomaaliyeed iyo bahda Warbaahintaba.

Faallooyin