Xaliimo Yarey oo soo bandhigtay laba hab oo doorashada lagu qaban karo

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), Gudoomiyaha Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta shaaca ka qaaday inaanan doorashooyinka lagu qaban karin xilligii loogu talagalay

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo maanta hortagtay Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa soo bandhigtay laba hab, oo ay sheegtay in doorashadu ay ku qabsoomi karto oo kala ah habka diiwaangelinta casriga ah ee Biometric iyo habka diiwaan-gelinta ee Gacanta.

Waxa ay sheegtay in habka koobaad ee diiwaan-gelinta casriga ah haddii la qaato ay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka u baahan yahay ilaa 13 bilood oo ka bilaabaneysa July 2020-ka illaa August 2021-ka, si ay doorashada baarlamaanku u qabsoomto bisha August ee 2021-ka. Habkan ayay sheegtay inuu u baahan yahay qarash badan iyo waqti dheeraad.

“Doorashada Soomaaliya ma qabsoomeyso waqtigii loogu talo-galay. Sidaas darteed, waxaan u baahannahay 13 bilood gudahood oo ka bilaabaneysa July 2020-ka kuna dhamaaneysa August 2021-ka." Ayay tiri Xaliimo Yarey.

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in habka labaad oo ah habka diiwaan-gelinta ee Gacanta uu yahay mid ka waqti iyo qarashba yar habka koobaad. Habkan ayaa haddii la qaato waxa uu guddiga doorashadu u baahnaan doonnaa muddo 9 bilood oo dheeri ah oo ka bilaabaneysa July 2020-ka illaa March 2021-ka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddo xileedkiisu waxa uu ku egyahay bisha October ee sanadkan, halka kan Madaxweynuhuna uu dhamaanayo bisha February ee sanadka dambe.

Faallooyin