Metelaadda Gobolka Banaadir oo cod aqbaliyad leh lagu ansixiyay

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa ansixiyay Xeerka Metelaadda Gobolka Banaadir, oo maalmihii la soo dhaafay uu goluhu ka doodaayay.

142 Xildhibaan ayaa haa ugu cocdeysay Xeerka Metelaadda Gobolka Banaadir, waxaa diiday 4 Xildhibaan, mana jriin cid ka aamustay.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaana ku dhawaaqay natiijada codka.

Xeerka cusub ee ay Xildhibaanada ansixiyeen ayaa qeexaya in Gobolka Banaadir uu 13 Senator ku yeelan doono Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.

Tani ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyay Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo weliba bulshada ku dhaqan Caasimadda Muqdisho.

Waa markii ugu horeysay oo Magaalada Muqdisho ay metelaad ku yeelan doonto Aqal Sare ee Baarlamaanka Somaliya.

Faallooyin