Madaxweyne-yaasha Puntland iyo Galmudug oo maanta kulmay (SAWIRRO)

Waxaa maanta kulan fool ka fool ah Magaalada Gaalkacyo ku yeeshay Madaxweyne-yaasha Puntland iyo Galmudug, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Madaxweynaha Puntland ayaa dhigiisa Galmudug ku soo dhaweeyay Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Waqooyiga Gaalkacyo, halkaasoo ay kulankoodii ugu horeeyay ku yeesheen.

Kulanka oo loogu magac-daray Shirka Iskaashiga Dowladaha Galmudug iyo Puntland ayaa diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka, la dagaalanka argagixisada, dib u heshiisiinta, xoojinta nabadda iyo iskaashiga dhaqaalaha.

Intii kulanka uu socday ayuu Madaxweynaha Galmudug uu Madaxweyne Deni weydiistay in Puntland soo fasaxdo gaadiid dagaal oo Galmudug ay leedahay, kuwaa oo ay Puntland la wareegtay markii ay Galmudug kala soo degtay Dekeda Boosaaso. Xilligaasi waxaa socday dagaaladii Gaalkacyo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu ka aqbalay Madaxweyne Qoorqoor baaqiisa ah in Galmudug lagu soo wareejiyo gaadiidkeeda.

Kulankan ayaa waxaa labada dhinac ku wehlinayay Wasiiro, Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ka tirsan iyo la taliye-yaal. Kulanka ayaana ku soo dhammaaday sidii loogu talagalay.

Puntland iyo Galmudug ayay daba-yaaqadii bishii hore ee May u bilaabatay xiriir wanaagsan, kaasoo ku qotoma iskaashiga arrimaha ammaanka, la dagaalanka argagixisada iyo in laga gudbo dagaalada beelaha ee gobolka ku soo noq noqday.

Faallooyin