Qoorqoor iyo Deni oo kulan ku leh Magaalada Gaalkacyo

Madaxweyne-yaasha Galmudug iyo Puntland, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa in ay ku kulmaan Magaalada Gaalkacyo.

Wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Puntland ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii gaaray Magaalada Gaalkacyo, halka wafdi uu horkacayay Madaxweynaha Galmudug ay iyana gaareen saqdii dhexe ee xalay.

Madaxweynaha Puntland ayaa xalay ku hoyday Waqooyiga Gaalkacyo oo Puntland ka arrimiso, halka Madaxweynaha Galmudug uu isna ku hoyday Madaxtooyada Koonfurta Gaalkacyo ku taala.

Labada Madaxweyne ayaa lagu wadaa in kulankoodaan kaga hadlaan xoojinta xiriirkooda wanaagsan ee xilligan, ka shaqaynta arrimaha ammaanka iyo la dagaalanka argagixisada.

Wararka ayaa sheegaya in Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug uu dhigiisa Puntland weydiisan doono in loo soo sii daayo gaadiid ay Galmudug kala soo degtay Dekeda Boosaaso, balse ay Puntland la wareegtay, intii ay socdeen dagaaladii Gaalkacyo muddo haataan laga jooggo afar sano.

Iskaashiga labada maamul ee soo bilowday daba-yaaqadii bishii May ayaa suurtageliyay in gacan bir ah lagu qabto amnigii Magaalada Gaalkacyo, la iskuna furo Gaalkacyadii kala xirneyd.

Faallooyin