Wararkii ugu dambeeyay xaaladaha Coronavirus ee dalka

Waa markale iyo xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka COVID-19 ee Coronavirus uu keeno, dalkana laga diiwaangeliyay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa xaqiijisay in dalka laga helay 18 xaaladood oo cusub, afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay, kuwaa oo intooda badan laga diiwaangeliyay Gobolka Banaadir.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijisay in 11 ka mida bukaanada cusub laga diiwaangeliyay Gobolka Banaadir, iyadoo Somaliland laga xaqiijiyay 6, halka Koonfur Galbeed iyaduna 1 laga helay.

Warbixinta maalinlaha ee Wasaaradda Caafimaadka waxaa lagu sheegay in 16 ka mida bukaanada cusub ay rag yihiin, halka 2-da kalana ay haween yihiin.

Warbixintan ugu dambeysay ayaa lagu sheegay in 31 bukaan ay ka bogsadeen xanuunka, waxayna tirada guud ee ka bogsatay ka dhigeysaa 868.

Waxaan jirin xaalad dhimasho ah oo la xiriirta COVID-19 oo dalka laga diiwaangeliyay 24-kii saac ee la soo dhaafay, waana maalintii afaraad aan dalka laga soo warin wax dhimasho ah.

Xaaladaha guud COVID-19 ee dalka laga helay waxaa ay wadartoodu noqoneysaa 2,878, illaa iyo hadana inta laga warqabo waxaa dalka ugu geeriyooday xanuunkaasi 90 qof.

Faallooyin