Ciidan fara-badan oo caawa lagu soo daadiyay wadooyinka Muqdisho qaarkood

Wararka ka imaanaya Magaaalda Muqdisho ayaa sheegaya in caawa ay xiran yihiin wadooyinka halbowlaha u ah isu socodka Caasimadda Muqdisho.

Boqolaal ka mida ah Ciidamada Dowladda oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo daadiyay, oo lagu arkayaa wadooyinka, iyagoona hakiyay isu socodkii dadka iyo gaadiidka ee Bartamaha Magaalada Muqdisho.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in wadooyinka loo xiray Munaasabadda 26-ka June, oo caawa lagu wado in laga xuso Magaalada Muqdisho.

26-ka June waxaa ay ku beegan tahay, markii Gobolada Waqooyi ay ka xoroobeen gumeystihii caddaa ee Ingiriiiska, muddo haataan laga jooggo lixdan sano.

Afar habeen ka dib ayaa sidoo kale lagu wadaa in Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka qaarkood laga xuso Munaasabadda 1da Luulyo, oo ku aadan maalintii Gobolada Koonfureed ka xoroobeen gumeystiihii Talyaaniga, sidoo kalana ku beegan israacii iyo midowgii ee Gobolada Koonfurta iyo Waqooyiga.

Faallooyin