Madaxweyne Farmaajo oo maanta lagu wado inuu furo Kalfadhiga Baarlamaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa maanta lagu wadaa in uu furo Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Somaliya.

Kalfadhiga 7aad ee Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ayaa lagu wadaa in uu ka furmo Xarunta Golaha Shacabka oo ku taala Villa Hargeisa, oo qudheeda ka dhex dhisan Villa Somalia.

Madaxweynaha Somaliya ayaa la fillaya in khudbad dhinacyo badan taabaneyso uu u jeediyo Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senatorada Golaha Aqalka Sare.

Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Somaliya oo lagu waday in uu furmo laba bil ka hor ayaa waxaa saamayn ku yeeshay baqdinta laga qabo faafitaanka xanuunka COVID-19 ee Coronavirus uu keeno.

Faallooyin