Taliyaha Xoogga Dalka oo safar dhulka ku tagay Beledweyne

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo labadii toddobaad ee ugu dambeysay ku sugnaa Gobolka Galgaduud ayaa saacadihii la soo dhaafay uga sii gudbay dhinaca Gobolka Hiiraan.

Taliyaha oo ay wehlinayeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Qaybaha 27-aad iyo 21aad ayaa markii ugu horeysay safar dhinaca dhulka ah ku tagay Magaalada Beledweyne.

Wafdiga Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa Magaalada Beledweyne ku soo dhaweeyay Saraakiil Ciidanka Xoogga Dalka ka tirsan iyo masuuliyiin kale.

Taliyaha ayaa mudada uu ku sugan yahay Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa lagu wadaa inuu kulamo kula qaato Saraakiisha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Ma cadda ujeedada ka dambeysa socdaalka General Odawaa ee Gobolka Hiiraan, balse waxaa uu maalmihii ugu dambeysay uu Gobolka Galgaduud ka waday abaabul ciidan iyo u diyaargarowga guluf militari oo lagu qaado deegaanada Shabaabka kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Faallooyin