Kiisaska COVID-19 ee dalka oo aad u kordhaaya

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa markale dalka ka diiwaangelisay xaalado kaloo hor leh, kuna aadan cudursidaha COVID-19, afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka waxaa dalka oo idil laga diiwaangeliyay 58 xaaladood oo cusub, taasoo tirada guud ee dalka laga xaqiijiyay ka dhigeysa 2,204.

Bukaanadan ayaa 32 ka mida waxaa laga diiwaangeliyay Gobolka Banaadir, Hirshabelle 11 bukaan, Somaliland 8 bukaan, Galmudug 3 bukaan, Puntland 2 bukaan iyo Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo min 1 laga xaqiijiyay.

Warbixinta ayaa lagu sheegay 49 ka mida bukaanada in ay rag yihiin, halka 9-ka kalana ay haween yihiin, waxaana xanuunka ka caafimaaday 12 bukaan.

Maalintii 4aad ayaan dalka laga diiwaangelin wax dhimasho ah, inkastoo ay horey dalka ugu geeriyoodeen 79 bukaan.

3-dii maalmood ee ugu dambeysay ayaa waxaa aad u kordhay tirada kiisaska laga diiwaangelinayo Magaalada Muqdisho, xilli maalmihii ka horeeyay ay hoos u sii dhaceysay tirada laga diiwaangelinayo.

Dhakhaatiirta ayaa bulshada Soomaaliyeed waxaa ay ku dhaliilaan inaanay ku dhaqmin Fariimaha Waaxda Caafimaadka, ee ujeedkiisu yahay in qof kasta uu ka taxadaro xanuunka, si faafitaankiisa loo xadido amaba loo xakameeyo.

Faallooyin