Madaxweyne Deni oo Hodan Siciid Xasan u magacaabay Wasiir

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr.45 ku magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha.


Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad

Marku arkay: Aqoonteeda, kartideeda iyo Waayo-aragnimadeeda shaqo

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland


Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Hodon Siciid Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqalaha, Dhalinyaradda iyo Cayaaraha


*Xeerkani wuxuu dhaqan galayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

* Wasiir Hodan Siciid Xasan ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyey xilka wasiirnimo ee loo magacaabay.

=DHAMMAAD=

Faallooyin