Somaliya oo diiwaangelisay kiisas fara-badan oo COVID-19 la xiriira

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa xaqiijisay in xaalado fara-badan oo xanuunka COVID-19 la xiriira laga diiwaangeliyay gudaha dalka, afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka waxaa dalka oo idil laga diiwaangeliyay 66 xaaladood oo cusub, taasoo tirada guud ee dalka laga xaqiijiyay ka dhigeysa 2,089.

33 ka mid ah xaaladahan cusub ayaa waxaa laga diiwaangeliyay Gobolka Banaadir, iyadoo sidoo kalana Somaliland laga xaqiijiyay 26 xaaladood iyo 7 xaaladood oo laga xaqiijiyay Puntland.

Xaaladahan cusub ee laga xaqiijiyay Gobolka Banaadir ayaa ah kuwo fara-badan, marka aad eegto xaaladaha maalmihii ugu dambeeyay laga diiwaangeliyay gobolkaasi.

Bukaanada cusub ee xanuunka laga helay 42 ka mida waxaa weeye rag, halka 24 kalana ay haween yihiin, sida lagu sheegay warbixintan ugu dambeysay ee soo baxday.

Warbixinta maalinlaha ah ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in 19 bukaan ay bogsadeen xanuunka, waxayna noqoneysaa tirada guud ee ka bogsatay xanuunka 380 qof.

Ma jirto wax bukaana ah oo xanuunka COVID-19 ugu geeriyooday gudaha dalka afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay, sida cad warbixinta Wasaaradda Caafimaadka, inkastoo bukaanadii horey u geeriyooday ay tiradoodu gaareyso 79 qof.

Faallooyin