Wararkii ugu dambeeyay kiisaska Coronavirus ee dalka

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa markale waxaa ay maanta dalka ka diiwaangelisay xaalado cusub oo la xiriira cudursidaha COVID-19, ee uu keeno Coronavirus.

Warbixinta maalinlaha ee COVID-19 ayay Wasaaradda Caafimaadka ku sheegtay in dalka oo idil laga diiwaangeliyay 47 xaaladood oo cusub, kuwaa oo intooda badan laga xaqiijiyay Somaliland.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Somaliand laga diiwaangeliyay 28 xaaladood, iyadoo Gobolka Banaadir laga diiwaangeliyay 9 xaaladood, halka Puntland iyo Jubbaland laga xaqiijiyay min 5 xaaladood.

Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug ayaa waxaan jirin xaalado cusub oo laga xaqiijiyay afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay.

Bukaanada cusub ee xanuunka laga helay 38 ka mida waxaa weeye lab, halka 9-ka kalana ay dhedig yihiin, sida lagu sheegay warbixintan galabta soo baxday.

Sidoo kale waxaa jira 1 bukaan oo xanuunka ugu geeriyooday gudaha dalka, kaasoo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 79 bukaan, halka 13 bukaanka ay xanuunka ka bogsadeen. Tirada guud ee xanuunka ka bogsatay waxaa ay gaaraysaa 361.

Sida ku cad jadwalkan ugu dambeeyay waxaa ay xaaladaha dalka oo idil laga diiwaangeliyay ay gaarayan 2,023 xaaladood.

Faallooyin