Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Magaalada Cadaado (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa safarkan ku wehlinayay Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya iyo qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa safar dhinaca dhulka ah ku tagay Magaalada Cadaado, ka dib markii ay ka amba-baxeen Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, waxaana magaalada ku soo dhaweeyay Maamulka Dagmada Cadaado iyo Masuuliyiin Galmudug ka tirsan.

Madaxweynaha Galmudug ayaa xilligan Magaalada Cadaado u tagay, si uu u soo qiimeeyo xaaladda adag ee la sheegay inay ku soo korodhay magaaladaasi, ka dib markii lagu arkay dad fara-badan oo qaba calaamadaha lagu garto xanuunsidaha COVID-19, ee uu keeno Coronavirus.

Dareenka dad reer Cadaado ayaa xoogeystay, ka dib markii habeenkii Isniinta laba nin oo midi uu ganacsade ahaa, kan kalana uu oday dhaqameed ahaa ay Cadaado ugu geeriyoodeen calaamadaha COVID-19, xilli aan laga baarin in xanuunka uu hayay iyo in kale, sababo ku aadan Cadaado oo aanu horey u oolin qalabka lagu baaro xanuunkaasi, inkastoo ay gelinkii dambe ee maanta geysay Dowladda Federaalka.

Faallooyin