Jubbaland oo mar qura diiwaangelisay 70 xaaladood oo Coronavirus ah

Maamulka Jubbaland ayaa waxa uu ku dhawaaqay in mar qura la diiwaangeliyay 70 xaaladood oo cusub, lana xiriira xanuunka dilaaga ah ee Coronavirus.

Wasiirka Caafimaadka Jubbaland ahna Gudoomiyaha Guddiga Ka Hortagga COVID-19 ee Jubbaland, Dr. Mursal Maxamad Khaliif ayaa xaqiijiyay in 70 xaaladood oo cusub laga diiwaangeliyay gudaha Jubbaland.

Wasiirka oo xalay shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay xanuunka laga helay 70 qof, taasoo tirada guud ee Jubbaland diiwaangelisay ka dhigeysa 134 xaaladood.

Sidoo kale waxa uu sheegay in illaa iyo hadda ay xanuunka Jubbaland ugu dhinteen 5 qof, halka 11 kalana ay ka bogsatay.

Waa tiradii ugu badneyd oo mar qura ay Jubbaland ku dhawaaqdo in ay ka diiwaangelisay deegaanadeeda, inkastoo xaaladaha ugu badan laga xaqiijiyay Magaalada Kismaayo.

Faallooyin