Madaxweyne Farmaajo oo caawa magacaabay Agaasime cusub

Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya ayaa caawa Agaasime cusub u magacaabay Hab Maamuuska Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweynaha Somaliya ayaa Yuusuf Xasan Salaan u magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Hab Maamuuska ee Madaxtooyada Qaranka.

Agaasime Yuusuf ayaa horey u soo noqday Agaasime Kuxigeenka Hab Maamuuska ee Villa Somalia, iyadoo uu khibrad badan ka kororsaday, mudadii uu xilkaasi hayay.

Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay magacaabistaan oo caawa Madaxweynuhu sameeyay.

Faallooyin