Mootada laba lugaaleyda oo laga mamnuucay Degmada Buurhabaka

Wararka ka imaanaya Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in degmadaasi laga mamnuucay mootada labada lugood leh.

Maamulka Degmada Buurhakaba ayaa sheegay inaanan hadda ka dib degmadaasi lagu dhex wadan karin mootada Fekon.

War ka soo baxay Maamulka Degmada ayaa lagu sheegay in sababo amni loo joojiyay isticmaalka mootooyinkaasi, ka dib markii uu maamulku sheegay in degmada looga gaystay dhibaatooyin badan oo liddi ku ah amniga.

Dadweynaha ku dhaqan Degmada Buurhakaba waxaa lagu wargeliyay in looga digaayo isticmaalo mootada labada lug leh, haddii kalana laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Waa markii ugu horeysay oo amar ceynkani oo kala ah la duldhigo bulshada ku dhaqan Degmada Buurhakaba, oo 60km u jirta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Faallooyin