Lix qof oo loo soo qabtay toogasho ka dhacday Degmada Afgooye

Illaa lix qof ayay laamaha ammaanka ee Degmada Afgooye u soo qabteen dil Talaadadii ka dhacay degmadaasi, oo 30km u jirta Magaalada Muqdisho.

Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa waxay dilkan u gaysteen darawal mooto bajaaj, iyadoo dilka ka dibna ay u suurtagashay in ay sharciga ka baxsadaan.

Gudoomiyaha Degmada Afgooye, Ibraahim Cumar Qaasim (Carab) ayaa sheegay in ninka la dilay uu ka mid ahaa bajaajleyda ka hawlgasha degmadaasi,

Gudoomiyaha oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in laamaha ammaanka ay illaa lix qof u soo qab qabteen dilkaasi, kuwaa oo hadda su'aalo la weydiinayo.

Gudoomiye Carab ayaa maleeshiyada Al Shabaab ku eedeeyay in ay macno la'aan isaga daadinaya dhiigga shacabka Soomaaliyeed, balse ay ka go'an tahay inay la dagaalamaan, sida uu yiri.

Shabaab ayaa bishan Ramadan dhawr qof oo uu ku jiro Goolhayihii Kooxda Banaadir iyo Xulka Qaranka, Cabdiweli Colaad Qanyare (Gaatamow) ku dilay Degmada Afgooye.

Faallooyin