Hay'adda WHO oo qalabka COVID-19 looga hortaggo geysay Jowhar

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee magaceeda lusoo gaabiyo WHO ayaa maanta qalab caafimaad oo ka kooban maaska afka lagu xirti gacmo gashi iyo agabyo kale oo dhammaan looga hortago cudurka sarmarka ee Covid-19 ku wareejisay wasaaradda Caafimaadka Hirshabelle.

Agabkaan oo maanta wasaaradda caafimaadka Hirshabelle kula wareegtay Magaalada jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe ayay hay’adda ugu talagashay in lagula dagaalamo cudurka Karoona madaama gobolka ay ka jiro biyo bax kaddib markii uu Wabiga Shabelle uu ku fatahay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee  dowlad-goboleedka Hirshabelle, Cabdi Macalin Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa uga mahadceliyay Hay’adda wHo deeqda ay soo gaarsiisay isagoo sheegay in baahi ay uqabeen.

“Waxaan uga mahadcelineynaa deeqdaan agabka caafimaad oo ay inoo keentay maxaa yeelay waa waqti aan baahi qabno maadaama deegaano Hirshabeelle uu soo gaaray cudurkaan Covid-19." Ayuu yiri Wasiirku.

Faallooyin