Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Saraakiil uu horkacayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa galabta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Wafdiga Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa Garoonka Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Saraakiisha Ciidamada Galmudug iyo kuwa Qaybta 21aad.

Taliyaha Xoogga Dalka waxaa socdaalkiisan ku wehlinayay Taliyaha dhawaan loo magacaabey Qaybta Guud ee Booliska Galmudug, General Bishaar Abshir Geedi iyo Taliyaha Guutada 15aad ee Qaybta 21aad, General Mascuud Maxamed Warsame.

Dhanka kale General Odawaa Yuusuf Raage ayaa mudada uu ku sugan yahay Magaalada Dhuusamareeb waxaa lagu wadaa inuu kulamo kula qaato Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug.

Sidoo kale General Odawaa ayaa lagu wadaa in uu kormeero Xarumaha Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Xarunta Maamulka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.

Socdaalka General Odawaa ee Galmudug waxaa uu ku soo aadaya, xilli Ciidanka Xoogga Dalka loo diyaariyay guluf ka dhan ah maleeshiyada Shabaabka, ee ku sugan qaybo ka mid ah Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Faallooyin