Weerarkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo oo macno iftiimiyay

Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, laguna dilay xubno uu ugu sareeyay Gudoomiyihii Gobolka Mudug ee Puntland ayaa dadka dareen ku abuuray.

Weerarkan ismiidaaminta oo ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ku dhintay illaa lix qof, oo uu ku jiro Gudoomiyihii Gobolka Mudug ee dhanka Puntland, Axmed Muuse Nuur.

Dadka wax ku qora barraha bulshada ayaa muujiyay in Ururka Al Shabaab ay markaan bartilmaameed ku yihiin Gudoomiye-yaasha Gobolada Dalka, marka aad fiiriso wax ka yar hal sano oo ay ku dileen Gudoomiye-yaashii Gobolada Banaadir, Mudug iyo Nugaal.

Saddexda weerar oo ismiidaamin ahaa ayaa waxay ka kala dhaceen Magaalooyinka Muqdisho (24 July, 2019), Garoowe (29 March, 2020) iyo Gaalkacyo (17 May, 2020).

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay sheegay in ay sharciga horkeeni doonaan, isla-markaana ay ciqaabi doonaan kuwii ka masuulka ahaa dilalka loo gaystay Gudoomiye-yaashii Gobolada Nugaal iyo Mudug.

Madaxweynaha ayaa iftiimiyay in ay iminka gacanta ku hayaan dad ku lug lahaa dilka Gudoomiyihii Gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xasan Xersi (Gujir), haataana ay dabagal ku hayaan kuwii ka dambeeyay dilkii shalay Gaalkacyo loogu gaystay Gudoomiyihii Gobolka Mudug ee Puntland.

Masuuliyiinta Soomaalida ayaa marar kala duwan sheegay in cid kasta oo Shabaabka ka hortimaada ay isku dayaan, sidii ay wadadooda uga horleexin lahaayen.

Duqa Magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland, Saahid Maxamuud Cali ayaa sheegay in Gudoomiyaha Axadii lagu dilay magaalada uu hormuud ka ahaa hawlgalada gobolka looga sifeynayo argagixisada, taasina ay tahay midda keentay inay dilaan, sida uu yiri.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in Gudoomiyihii Gobolka Nugaal uu hormuud ka ahaa xaqiijinta amniga gobolka, ha yeeshee kuwii dilay ay bulshada ku hor toogan doonaan.

Faallooyin