Wararkii ugu dambeeyay Gudoomiyihii Gobolka Mudug oo qarax lagu dilay

Gudoomiyihii Gobolka Mudug ee Puntland, Axmed Muuse Nuur ayaa waxaa maanta lagu dilay qarax ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Gudoomiyaha ayaa waxaa lala dilay saddex qof oo midi uu yahay walaalkii iyo laba askari oo ka mid ahayd ilaaladiisii.

Qof naftii hallige ahaa ayaa wadada ku weeraray gaarigii uu la socday Gudoomiyihii Gobolka Mudug, waxaana la beegsaday, xilli uu duhurkii ka soo laabtay goobtiisa shaqo, kuna sii jeeday hoygiisii.

Sidoo kale qof shacab ah oo wadada maraayay iyo qof is qarxiyay ayaa ku dhintay weerarka ismiidaaminta, ee maanta gilgilay Magaalada Gaalkacyo, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha.

Saahid Maxamuud Cali, Duqa Magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu fuliyay qof isa soo miidaamiyay.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka lagu dilay Axmed Muuse Nuur, Gudoomiyihii Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland.

Faallooyin