Kenya oo xirtay xuduuda ay la wadaagto dalalka Somaliya iyo Tanzania

Dowladda Kenya ayaa waxay xirtay xuduudaha ay la wadaagto dalalka Somaliya iyo Tanzania, sababo ku aadan baqdin ay ka qabto faafitaanka xanuunka Coronavirus.

Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Kenya ayaa waxaa uu Sabtidii ku dhawaaqay in dalkiisu uu xiray xadka uu la leeyahay Somaliya iyo Tanzania.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in toddobaadkii hore 78 ka mid ah darawalada gaadiidka xamuulka laga helay cudursidaha COVID-19, ka dib markii cudurkaasi laga baaray, dibna looga celiyay xadka, sida uu yiri.

Sidoo kale Madaxweynaha Kenya waxaa uu sheegay inaanu amarkani wax saamayn ahi ku yeelan doonin gaadiidka xamuulka iyo wadayaasha la socdaba, waa kuwooda aan laga helin xanuunka, isla-markaana loo ogolaan doono inay dalka Kenya soo galaan.

Dhanka kale Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay in kow iyo labaatan maalmood lagu kordhiyay bandowgii saarnaa afar magaalo, oo ay ka mid tahay Magaalada Nairobi.

Madaxweynaha ayaa xusay in bandowga uu sii socon doono illaama laga gaarayo 6-da bisha soo socota ee June, iyadoo markaasi feejigaan iyo taxadarba laga muujinayo faafitaanka xanuunka.

Faallooyin