Qaadka oo maanta si caadi ah loo keeni doono deegaanada Somaliland

Somaliland ayaa waxay shaacisay inay dib u fasaxday qaadka laga keeno dalka Itoobiya, kaasoo si ku-meel-gaar ahi looga mamnuucay deegaanada Somaliland, bishii hore ee April.

Mudada qaad joojinta oo shan iyo labaatan maalmood ku mudeysneyd ayaa laga soo hormariyay xilligeedii, oo ku mudeysneyd 21-ka bishan, waxaana mudadaasi laga soo hormariyay shan maalmood.

Laga bilaabo maanta qaadka ayaa si caadiya loo keeni doonnaa deegaanada Somaliland, iyadoona ganacsatada loo fasaxay inay keenaan, kagana ganacsadaan gudaha Somaliland.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dib loogu fasaxay ka ganacsiga qaadka.

Maalmihii qaadka laga joojiyay deegaanada Somaliland ayaa waxaa jiray in maamulku kula wareego gaadiid fara-badan, oo si qarsoodi ah qaadka loogu soo gelinayay gudaha Somaliland, waxaa sidoo kale jiray dad kale oo arrimahaasi loo soo qab qabtay, maxkamadana ay u xukumeen.

Faallooyin