Xaaladaha Coronavirus ee Magaalada Kismaayo oo isa soo taraya

Waxaa isa soo taraya xaaladaha ka dhashay xanuunsidaha COVID-19 ee laga diiwaangelinayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland.

Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland ayaa waxaa ay xalay xaqiijisay in saddex qof oo cusub laga helay xanuunkaasi, ka gadaal markii laga baaray.

Jadwalka maalinlaha ah ee Wasaaradda Caafimaadka Jubblanad ayaa shaxda ka muuqata waxaa ay muujineysaa in 58 qof laga helay xanuunka, kuwaa oo dhammaantood ku nool Magaalada Kismaayo, halka afar qofna ay ugu geeriyootay magaaladaasi, mana jirto wax bukaan ahi oo xanuunka ka bogsaday.

Sureer Maxamed Cali, Gudoomiyihii Ururka Haweenka ee Jubbaland ayaa ka mid ah afarta ah ee xanuunka uu ku dilay Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Magaalada Kismaayo.

Bulshada ku nool Magaalada Kismaayo ayaa rumeysan in tirada laga diiwaangeliyay magaaladaasi ay intaasi ka badan tahay, sababo ku aadan dadka oo aan weli u bisleen in ay iska baaraan, kuwooda dareema astaamaha lagu garto COVID-19.

Faallooyin