Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay Cabdi Muxsin Sheekh Xuseen (Abuu Bakar)

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii hawlgalo ay ka fuliyeen Gobolka Shabellaha Hoose waxaa ay ku dileen horjooge ka tirsanaa Ururka Al Shabaab iyo shan xubnood oo kale.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa xaqiijiyay in hawlgalkaasi lagu dilay Cabdi Muxsin Sheekh Xuseen (Abuu Bakar), oo ahaa buu yiri horjoogihii argagixisada ee Degmada Qoryooley iyo deegaanada hoosyimaada.

Taliyaha ayaa tilmaamay in lixdaasi xubnood lagu dilay hawlgalo ballaaran oo Ciidanka Xoogga Dalka, ay ka fuliyeen wadada xiriirisa Degmada Qoryooley iyo deegaanka Janaale.

Taliyaha oo la hadlay Radiyaha Ciidamada Qalabka Sida (SNA Radio) ayaa tilmaamay in hawlgaladaasi ay si gaar ahi uga kala dhaceen deegaanada Kabtan Laas iyo Buulo Shiikh.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaad mooddaa inay kordhiyeen hawlgalada ay ka fulinayan Gobolka Shabellaha Hoose, balse waxaa lagu dhaliilaa in ay ka gaabiyeen hawlgaladii kale ee gobolada dalka.

Faallooyin