Dadka Coronavirus ugu dhintay deegaanada Puntland oo kordhay

Puntland ayaa waxay diiwaangelisay xaalado kale oo ka dhashay xanuunsidaha COVID-19 ee uu keeno Coronavirus, kaasoo si muuqdo ugu faafaya guud ahaan dalka.

Guddiga Ka Hortagga Coronavirus u qaabilsan Puntland ayaa waxay xaqiijiyeen inay diiwaangeliyeen 13 qof oo cusub oo laga helay xanuunkaasi, ka dib markii laga baaray 24 qof.

Bukaanada ayaa waxay 5 ka mida jooggaan Gobolka Mudug, 4 waxay ku sugan yihiin Gobolka Nugaal, halka 4-ta kalana ay jooggaan Gobolka Bari.

Sida ku cad warbixinta Guddiga Ka hortagga Coronavirus ee Puntland waxaa la xaqiijiyay bukaankii 5aad oo deegaanada Puntland ugu geeriyooda COVID-19, illaa iyo haddana waxaa xanuunka ka bogsaday 3 qof.

Guud ahaan xaaladaha laga diiwaangeliyay deegaanada Puntland waxaa ay hadda gaarayan 111 xaaladood, waxaana saacadaha soo socda suurtagal ah in tirada ay intaasi ka badato.

Shalay ayay ahayd markii Wasiirka Caafimaadka Somaliya, Fowziya Abiikar Nuur ay sheegtay in dalka oo idil laga diiwaangeliyay 1,219 xaaladood, hase ahaatee la fillayo in tirada ay intaasi ka badato saacadaha ina soo aadan.

Faallooyin