Dagaal uu ku dhintay nin Sarkaal ah oo ka dhacay Degmada Hodan

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay uu iska horimaad kulul Degmada Hodan ku dhex maray ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Somaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska iyo kuwa Militariga ay ku wada dagaalameen xaafadda Soona Key ee Degmada Hodan.

Ma cadda waxa dhabta ahi ee keenay dagaalka, balse dagaalka ayaa ahaa mid xoogan, oo si weyn looga dareemay xaafadda Soona Key.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalka ay ku dhinteen ugu yaraan afar ka mida dhinacyadii dagaalamay, halka tiro kalana ay ku dhaawacantay.

Askarta dagaalka lagu dilay waxaa ka mida Daahir Sheekh Axmed, oo ka tirsanaa Saraakiisha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka. Sarkaalkan ayaa si weyn looga yaqaanay xaafadaasi.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo laamaha ammaanka ayaan weli ka hadlin dagaalka caweysnimadii xalay ka dhacay Degmada Hodan.

Dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda ka wada tirsan ayaa ku soo noq noqday Magaalada Muqdisho.

Faallooyin