WHO oo qalab lagu baaro COVID-19 ku wareejisay Somaliya (SAWIRRO)

Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa maanta qalab lagu baaro xanuunka Coronavirus ku wareejisay Dowladda Somaliya.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa qalabkaasi kala wareegay xubno ka tirsan Hay'adda Caafimaadka Adduunka.

Safaaradda Talyaaniga ee Somaliya ayaa bixisay qarashka lagu soo iibiyay qalabkaasi, waxaana gacan ka gaysatay sidii dalka loo keeni lahaa Hay'adda WHO.

Cudursidaha Coronavirus ayaa qaab aan la garanayn ugu dhex faafaya bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho, ka dib markii laga helay dad aan dibadda uga bixin magaalada.

Inta laga warqabo guud ahaan dalka ayaa laga diiwaangeliyay 12 kiis oo Coronavirus ah iyo hal kiis oo dhimasho.

Faallooyin