Duqa Muqdisho oo sheegay dad uu garanayo inay u dhinteen Coronavirus

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa cod kore ku sheegay in xanuunka Coronavirus uu iminka ku sii fidaayo Magaaalda Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay laga yaabo dadku inaanay ku baraarugsanayn in xanuunka uu ka jiro Magaalada Muqdisho, balse ay ugu dhinteen dad uu isagu garanayo.

"Magaalada Muqdisho waxaa laga yaabaa dadku inaanay ka warqabin, cudurkaas waa soo gaaray, dad badan ayaa u il daran, qaarna waa u dhinteen anigu aan garanayo."     Ayuu yiri Duqa Magaalada Muqdisho.

Waxa kaloo uu yiri "Qaaraa anigu aan garanayo dibad ka imaan oo dalkooda joogay ayaa ku dhintay, oo qaar la aasay, qaarna hadda aan weli la aasin."

Isagoo maanta ka hadlayay wadada General Daa'uud oo uu dhagax dhigay ayaa yiri "Arrintaas marka waa arrin halis ah, si fududna loo kala qaadi karo, sidaa darteed macluumaadka iyo talooyinka la idin siinayo oo dhakhaatiirta iyo Warbaahinta ay bixinayan waa in sida uu yahay loo qaato. Haddii meel walba la idinkaga fududeeyay inaad tiraahdeen waa been, waxba kama jiraan, taasu waxaa waaye niyad jab."

Cumar Filish ayaa intaa raaciyay "Waa dhab waa jiraa. Ma jiraan wax aan idinkaga sasabaneyno inaan been idin sheegno."

Faallooyin