Ciidamada Galmudug oo hawlgalo ka sameeyay Baxdo (SAWIRRO)

Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida Galmudug ayaa xalay illaa saaka hawlgalo amni xaqiijin ah ka sameeyay deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada Galmudug ayaa waxay hawlgaladan ku xaqiijinayeen amniga, iyadoona uu ujeedkoodu ahaa in ay kaga hortaggaan kooxaha lala xiriiriyo in ay dadka dhibaateeyaan, xilliyada qaarkood.

Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in labada ciidan oo gaadiidka dagaalka wata ay yimaadeen deegaankaasi, isla-markaana ay ka sameeyeen hawlgalo amniga lagu suggayo.

Saraakiisha labada ciidan ayaan weli wax war ah ka soo saarin hawlgaladan, mana cadda in ay dad ku soo qab qabteen iyo in kale.

Faallooyin