Maxkamadda Sare Dalka oo go'aan ka soo saartay dacwaddii Xisbiga Himilo Qaran iyo Hay'adda Duulista Hawada

Maxkamadda Sare Dalka ayaa waxay go'aan ka soo saartay dacwaddii u dhaxeysay Xisbiga Himilo Qaran, ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed iyo Hay'adda Duulista Hawada.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa dacwadan u gudbiyay Maxkamadda Sare Dalka, ka dib markii wafdi uu hoggaaminayo Shariif Sheekh Axmed lagu xanibay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in natiijada go'aanka Maxkaamadda Sare oo dokumentiyo ah lagu wareejiyay Qareenada Xisbiga Himilo Qaran difaacaya.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Xisbiga Himilo Qaran loo xukumay lacag dhan shan iyo soddon kun oo lacagta Mareykanka ah ($35,000).

Abukaate Axmed Maxamed Sheekh (Koofi) oo ka mid ah Qareenada Xisbiga Himilo Qaran difaaceysa ayaa dhankiisa xaqiijiyay in go'aanka Maxkamadda Sare lala wadaagay.

Masuuliyiinta Xisbiga ayaa waxaa lagu wadaa in ay war ka soo saaraan natiijada go'aanka Maxkamadda Sare.

Faallooyin