Maamulka Gobolka Gedo oo xiray xuduudaha Kenya iyo Itoobiya

Maamulka Gobolka Gedo ayaa saaka shaaciyay in ay xireen xuduudaha Gobolka Gedo uu la wadaago dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu), Kusimaha Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo ayaa sheegay baqdinta laga qabo faafitaanka Coronavirus awgii, in ay u xireen xuduudihii gobolkaasi la lahaa Itoobiya iyo Kenya.

Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Gedo ayaa tilmaamay in xuduuda Gobolka Gedo ee dalka Kenya kala wadaagto Degmooyinka Ceelwaaq iyo Beled Xaawo la xiray.

Dhanka Itoobiya ayuu sheegay in ay ka xireen xuduuda ay wadaagaan Doolow Somaliya iyo Doolow Itoobiya. Cudurkan inta uu ka baxayo buu yiri way xirnaaneysaa xuduudaas.

Waxaa uu intaa ku daray in ay amar ku bixiyeen inaysan dadka ka soo gudbi karin xuduudaha Gobolka Gedo la wadaago Itoobiya iyo Kenya.

Macalimuu ayaa hoosta ka xariiqay in go'aankan uu daba socdo amarkii ay horey Dowladda Federaalka dalka uga mamnuucday safaradii dibadda ka imaanayay.

Guud ahaan Somaliya ayaa laga xaqiijiyay 12 kiis oo Coronavirus ah, iyadoona shalay laga diiwaangeliyay qofkii ugu horeeyay oo dalka ugu geeriyooda xanuunkaasi.

Faallooyin