Emirate-ka oo qalab ugu yaboohay Somaliland (SAWIRRO)

Dowladda Emirate-ka Carabta ayaa Somaliland gaarsiisay qalab caafimaad, oo la xiriira midka lagula tacaalo xanuunsidaha Coronavirus, ee dunida faraha kulul ku haya.

Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Somaliland ayaa Arbacadii Garoonka Cigaal ee Magaalada Hargeysa kula wareegay deeqdaasi, oo ay siday diyaarad ka timid dalkaasi.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Cumar Cabdullaahi Cali ayaa sheegay in deeqda ay la wareegeen uu yahay qalabka caafimaad, ee lagula dagaalo caabuqa COVID-19.

Wasiirka ayaa intaa ku daray shacab iyo xukuumad ahaanba in ay Dowladda Emirate-ka uga mahadcelinayan deeqdaasi, iyadoo noqotay dowladdii ugu horeysay oo caalamka ka tirsan, oo ka soo jawaabta buu yiri codsigeynaa ahaa inaan adduunyada ka helno taakulo la xiriirta xanuunkan.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire ayaa isna sheegay in Dowladda Emirate-ka ay saaxiibtinimo gaar ahi kala dhaxeyso Somaliland, isla-markaana aysan deeqdan noqon doonin middii ugu dambeysay, ee ay Somaliland soo gaarsiiso.

Wasiirka Diinta & Awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliif Cabdullaahi Axmed ayaa dhankiisa bulshada reer Somaliland ugu baaqay in ay ka feejignaato xanuunkan, kaasoo aan lahayn buu yiri dawo, balse ka hortag leh.

Faallooyin