Qarax ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo

Qaraxan ayaa ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah, oo uu watay Sarkaal ka tirsan Waaxda Canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Qaraxan ayaa Sarkaalkaasi uu kula qarxay xilli uu gaariga saarnaa, isla-markaana uu dhex socday Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay Cabdi-Gube ayaa loola cararay Isbitaalka weyn ee Waqooyiga Gaalkacyo, halkaasoo lagula tacaalayo xaaladiisa caafimaadeed.

Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Cabdi-Gube uu dhaawac culus ka soo gaaray lugta.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, balse Ururka Al Shabaab ayaa marar badan sheegtay qaraxyo ka dhacay magaaladaasi.

Faallooyin