Xaaladda gabdhihii lagu kufsaday Afgooye oo laga deyrinayo

Xaalad adag ayaa la soo deristay gabdhihii yar yaraa ee wada dhashay,  maalmo ka horna lagu kufsaday Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Gabdhaha la kufsaday oo laba ahaa ayaa waxaa da'doodu lagu kala sheegay saddex jir iyo afar sano jir, waxaana iminka xaaladooda lagula tacaalaya Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Muna Cumar Xasan, Gudoomiyaha Ururka Midowga Dhalinyarada Soomaalida oo Isbitaalka Madiina ku booqatay gabdhahaasi ayaa sheegtay inay xaaladoodu tahay mid adag.

Muna Cumar oo Warbaahinta la hadashay ayaa tiri "Gabdhahan dhibaato xooganaa soo gaartay, aniga waxaan ka mid ahay dadkii ugu horeeyay ee u tagay/booqday, illaa iyo hadda kor jooggo, markastana xaaladooda ogaada."

Waxay sheegtay in Agaasimaha Isbitaalka Madiina, Dr. Maxamed Yuusuf uu u sheegay in falka loo gaystay hablahaasi ay aad u adag tahay, sidii wax looga qaban lahaa.

"Dhakhtar Maxamed Yuusuf oo aan la sheekeystay wuxuu ii sheegay aad inay arrintan u xanuun badan tahay, aadna u dhib badan tahay, xitaa daweenteeda aad bay u dhib badan tahay, laakiin ay la tacaalayan." Ayay tiri Muna Cumar.

Muna Cumar ayaa tiri "Gabdhuhu waxaa lagu khasban yahay labadooduba in qaliino inta lagu sameeyo, kilyaha laga dalooliyo, si saxaradii dhinacaas looga bixiyo, siduu dhakhtarka ii sheegay."

Waxay intaa ku dartay "Dhakhtar Maxamed Yuusuf, runtii aad buu u ilmeeyay markii uu noo sheekeynayay, uu nooga waramayay xaaladda gabdhahan."

Muna Cumar ayaa ugu dambeen ugu baaqday Dowladda Somaliya in ay cadaalad hellaan gabdhahaasi, lana soo qabto kuwii kufsigaasi u gaystay.

Illaa iyo hadda waxaa falkaasi loo soo qabtay 18 qof, sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax).

Faallooyin