Kenya oo si ku meel gaar u xirtay Suuqa xaafadda Islii

Dowladda Kenya ayaa si KMG ah albaabada isugu laabtay Suuqa Soomaalida Nairobi ku leeyihiin xaafadda Islii.

Tani ayaa waxay ka dambeysay ka dib markii maalintii Jimcaha la sheegay in xanuunsidaha Coronavirus laga helay nin Soomaali ah.

Dowladda Kenya ayaa sunta jeermiska disha ku buufisay Suuqa Islii, sababo ku aadan ninkaasi oo lala xiriiriyay ganacsatada suuqaasi.

Cumar Ibraahim Xuseen, Xoghayaha Guud ee Guddiga Ganacsatada Suuqa Islii, ayaa sheegay maadaama suuqa lagu buufiyay dawada jeermiska disha loo baahday in muddo laba maalmood ah la xiro.

Cumar Ibraahim waxa uu sheegay in ninkaasi aanu ka mid ahayn ganacsatada Suuqa Islii, balse loo maleynayo in uu ahaa nin la ganacsan jiray ganacsatada.

Dowladda Kenya ayaa dalkaasi ku soo rogtay awaamiir adag, markii ay soo kordheen kiisaska la xiriira Coronavirus ee laga diiwaangeliyay dalkaasi.

Faallooyin