Ciidamada Booliska oo qaad ku gubay Magaalada Guriceel

Ciidamada Booliska ee Magaalada Guriceel ayaa Sabtidii qaad ku gabay magaaladaasi, ka dib markii si sharci-darro ah lagu soo geliyay.

Ciidamada Booliska ayaa gacanta ku soo dhigay qaadkaasi, wax yar uun ka dib, markii nin ganacsade ahaa uu magaalada soo geliyay.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in Ciidamada Booliska ay qaadka ku gubeen Saldhiga Booliska Guriceel.

Saraakiisha Booliska ayaa horey uga digay ganacsatada in ay jebiyaan amarkii ka soo baxay Dowladda Federaalka, ee sida ku meel gaarka ahi loogu mamnuucay qaadka laga keeno dalalka deriska.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii siyaabooyin kala duwan qaad loogu kala gubay Magaalooyinka Muqdisho iyo Baardheere.

Faallooyin