Faahin faahin: Qarax ka dhacay Magaalada Jowhar

Qaraxan ayaa xilligii uu Maqribka soo dhawaa ka dhacay maqaaxi lagu shaaho oo ku taala Bartamaha Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya nooca uu qaraxaasi ahaa, balse wararka ugu buuran waxay sheegayan in qaraxa uu ahaa mid goobtaasi lagu sii diyaariyay.

Illaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada hal qof iyo dhaawaca toban kale, iyadoo dhaawacyadana loo qaaday goobaha caafimaadka ee magaalada ku yaala.

Xildhibaan Baarlamaanka Hirshabelle ka tirsan iyo Gudoomiyihii Deegaanka Ceelbaraf ayaa ka mid ah dadka ku dhaawacmay qaraxaasi.

Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka qaraxa loo adeegsaday ee ka dhacay Xarunta Maamulka Hirshabelle.

Qaraxan ayaa noqonaya kiisii ugu horeeyay oo ka dhaca Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe, sanadkan 2020.

Faallooyin