Wasiir Maareeye oo sheegay in lagu daba jooggo raggii kufsiga ka gaystay Afgooye

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Somaliya ay ku raadjoogto raggii ka masuulka ahaa kufsiga lagula kacay gabdho yar yar, oo wada dhashay, looguna gaystay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Gabdhaha la kufsaday oo laba ahaa ayaa waxaa da'doodu lagu kala sheegay saddex jir iyo afar sano jir.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya ayaa marka hore si kulul u cambaareeyay kufsigaasi, oo uu ku sheegay weerar ka dhan ah magaca Soomaaliyeed.

“Waxaan si kulul u cambaaraynaynaa ficilka wuxuushnimada leh oo ka dhacay Degmada Afgooye oo lagula kacay laba gabdhood oo aad u da’yar, waa tacaddi iyo weerar oo loo gaystay magaca Soomaaliyeed." Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Maareeye ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladda Somaliya ay gacanta ku soo dhigi doonto kuwii ka dambeeyay ficilkaasi aragagax leh, si sharciga loo horkeeno.

Inta laga warqabo waxaa kiiskaasi loo soo xiray 18 nin, sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax).

Gabdhahan yar yar oo saddex maalmood ka hor lagu kufsaday Degmada Afgooye ayaa iminka xaaladooda lagula tacaalaya Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Faallooyin