R/Wasaare Nuur Cadde oo ku geeriyooday Magaalada London

Allaha u naxariistee Ra'iisal Wasaarihii hore ee Somaliya, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa saakay ku geeriyooday Magaalada London.

Ra'iisal Wasaarihii hore ee Somaliya ayaa maalmihii ugu dambeysay ku xanuunsanaa Magaalada London, ka dib markii uu ku dhacay cudurka Coronavirus.

Agaasimaha Warbaahinta ee Madaxtooyada Somaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed oo soo xiganaya qoyska marxuumka ayaa sheegay in uu ku geeriyooday Isbitaalka Kings College.

"Ra'iisal Wasaarihii hore ee Somaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa saaka ku geeriyooday Isbitaalka Kings College ee London. Qoyskiisa ayaa xaqiijiyay. Ilaahay ha u naxariisto." Ayuu yiri Agaasimaha.

Nuur Cadde ayaa dalka Ra'iisal Wasaare ka soo noqday intii u dhaxeysay 2007-2009.

Faallooyin