Cali Saciid Fiqi oo loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Xildhibaan Saciid Cali Fiqi ayaa waxaa goor dhow loo doortay inuu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Baydhabo.

Xildhibaan Cali Saciid Fiqi ayaa doorashada kaga adkaaday Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nuur, oo ah musharaxii keliya ee la tartamaayay.

Doorashada oo hal wareeg ahayd ayaa lagu kala baxay, sida uu ku dhawaaqay Kusimaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Xildhibaan Xasan Cabdinuur Aalbaro.

Aalbaro ayaa sheegay in Cali Saciid Fiqi uu helay 83 cod, iyadoo 2 cod uu helay Maxamed Cabdiraxmaan Nuur, halka 8 codna uu khasaaray.

Guushaan uu gaaray Cali Saciid Fiqi oo dhawaan iska casilay xilka Safiirka Somaliya ee Midowga Yurub ayaa ahayd mid horeyba loo sii saadaalinayay.

Dhanka kale Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa isu diyaarinaya inay soo doortaan Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka iyo Gudoomiye Kuxigeenka 2aad.

Gudoomiye Kuxigeenka 1aad waxaa u sharaxan Xildhibaan Maxamed Nuur Maxamed iyo Xildhibaanad Aamina Isaaq Maxamed, halka Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ay u sharaxan tahay Xildhibaanad Shamso Maxamed Yarow oo qura.

Faallooyin