Qarax ay askar ku dhinteen oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Laba ka tirsan Ciidamada Dowladda Somaliya ayaa maanta ku dhintay qarax miino oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Gaari ay la socdeen Ciidamada Dowladda oo maraayay nawaaxiga Isbitaalka Digfeer ee Degmada Hodan ayaa lala eegtay qarax lagu diyaariyay wadada dhinaceeda.

Nin kaloo mooto bajaajle ahaa oo wadada maraayay ayaa sidoo kale ku dhintay qaraxaasi, oo laga maqlay inta badan xaafadaha Degmada Hodan.

Goobjooge ayaa sheegay in qaraxa ka dib ay Ciidamada Dowladda fureen rasaas xoogan, hase ahaatee aan illaa iyo hadda la soo sheegin cid wax ku noqotay.

Ururka Al Shabaab oo dagaal kula jira Ciidamada Dowladda Somaliya iyo kuwa Midowga Afrika ayaa xilliyada qaarkood waxaa ay ciidamada la beegsadaan qaraxyada ay ku aasan hareeraha wadooyinka.

Faallooyin